Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Akhriso) Jadwalka doorashada Goleyaasha degaanka Puntland oo la shaaciyey

Waxaa la soo saaray Jadwalka shaqo ee dhameystirka Doorasho qof iyo cod ah oo Shacabka Degmooyinka Puntland ay kusoo dooranayaan Goleyaashooda deegaanka.

Waxaa Qorshuhu yahay January 2023 in Puntland ay yeellanayso saddex Xisbi Siyaasadeed oo rasmi ah sida uu sheegay guddiga doorashooyinka Puntland.

Dhinaca kale, Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland ayaa Daahfuray Ololaha Waxbarida Codeeyaha iyo Jadwalka Hirgalinta Doorashada Golayaasha Deegaanka Puntland, Guddiga ayaa sheegay inay u diyaarsanyihiin sanadkan 100% qabashada doorashada golayaasha degaanka Puntland.

Gudoomiyaha TPEC Cabdirsaaq Axmed Siciid ayaa madaxdii iyo dadweynihii kasoo qaybgalay xafladda uga mahad celiyay sida quruxda badan ee ay u soo ajiibeen imaanshaha munaasibadda Daahfurka.

HOOS KA AKHRISO JADWALKA.

Related posts

Daawo Sawirada: Wasiirka Amniga iyo Taliyaal Ciidan oo kormeeray Koontaroolo laga soo galo Muqdisho

Cabdi Cade

Hoggaanka Ahlu Sunna oo kulan deg deg ah ku leh degmada Dhuusamareeb & Xaaf oo war soo saaray

admin

Dagaal khasaaro sababay oo maanta ka dhacay Boosaaso iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---