Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

TV-ga Aljazeera oo dacwad ku saabsan dilka Shiren Abu Akleh u gudbinaya Maxkamada ICC

TV-ga Aljazeera ee waddanka Qatar ayaa maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC u gudbin doona dacwadda dilka wariyaheedii Shireen Abu Akleh.

Qareennada Aljazeera oo ay wehliyaan khubaro dhanka sharciga ah oo caalami ah ayaa soo diyaarin doona fayl ku saabsan dilka Abu Akleh, si loogu gudbiyo maxkamada ICC.

Abu Akleh, oo aheyd weriye caan ah oo u dhalatay Falastiin, heysatayna dhalashada Mareykanka, ayaa la toogtay intii uu socday duullaan ay Israa’iil ku qaadday Daanta Galbeed ee la haysto 11-kii May.

Israel ayaa beenisay in ciidamadeedu ku lug lahaayeen dilka Weriyahan, iyadoo dusha ka saartay iney geysteen kooxaha Falastiiniyiinta, hase ahaatee ilo madax banaan ayaa sheegaya in rasaas ka soo dhacday ciidanka Yuhuuda ay haleeshay weriyaha oo xiligaas toos ugu jirtay hawada warbixina direysay.

 

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey cudurka COVID-19 oo ku sii xoogeysanaya Soomaaliya

Caydiid Ali

Farmaajo oo la kulmay Siyaasiyiin iyo odayaal kasoo jeeda Habar Gidir iyo Xog ku aadan waxii ay …

Cabdi Cade

Wararkii u Dambeeyay Ciidamada Janaraal Xuud oo saakay Weeraray Baladweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---