Allbanaadir.com
NEWS

Shiikh caan ah oo goor dhow lagu dilay duleedka Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Dabley hubeysan ayaa goor dhow wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ku dilay Shiikh caan ah oo magaciisa la oran jiray Sheekh C/llaahi Maxamed Rooble.

Dilka ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa degaanada Tareedisho iyo Tabeellaha Shiikh Ibraahim sida ay sheegayaan dadka eheladiisa ah.

Goob-joogayaal ayaa ku waramaya in dabley hubeysan oo watay mooto ay rasaas ooda kaga qaadeen gaari uu watay Shiikha oo noociisu ahaa NOAH kaasoo xiligaas wadada marayey.

Raggii dilka geystay oo aan la garan heybtooda ayaa ka baxsaday goobta, lamana oga sababta loo dilay shiikhan iyo cida ka dambeysa.

Ciidamada amaanka dowlada ayaa daqiiqado ka dib gaaray goobta uu falkan ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada baaritaano, waxaana dib u furantay wadada isku xirta Muqdisho iyo afgooye oo muddo kooban xirantay.

Sheekha ayaa caan ku ahaa fidinta diinta islaamka iyadoo si weyn looga yaqaanay gobolada Bay iyo Bakool.

Maydka marxuumka ayaa lagu wadaa in loo qaado degmada Bardaale halkaas oo ay dagantahay dariiqadii uu sheekha u ahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Waare oo ka hadlay Dil loo geestay Wasiir katirsaaa maamulkiisa amarna bixiyay

Cabdi Cade

Ma’suul ka tirsanaa Villa Somalia oo dalka ka baxsaday & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Madaxweynaha Jabuuti iyo Ra’isul Wasaaraha Masar oo Muqdisho soo gaaray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---