Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad lagu abaal marinayay guddiyadii iyo howlwadeennadii doorashooyinkii dalka ka dhacay.
Xasan Shiikh oo khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa ku bogaadiyay guddiyada doorashooyinka shaqadii wanaagsanayd ee ay dalka kaga soo gudbiyeen marxaladdii doorashada, isagoo xusay iney muujiyeen adkeysi iyo dulqaad badan, iyagoo ka soo gudbay caqabado fara badan.
“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble Doorasho ayuu sameeyay oo dan aanay ugu dhex jirin isaga aanu muraad ka laheyn, doorasho aanu rabin inuu ka soo dhex baxo, maanta wuxuu diyaar u yahay muwaadin Soomaaliyeed inuu dadkiisa sharaf iyo karaamo ku dhex noolaado inuu noqdo” ayuu yiri Xasan shiikh.
Munaasabadda oo ku qabsoontay Xafiiska Ra’iisulwasaaraha, waxaa ka qayb galay, Guddoonka labada gole ee BFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Ra’iisul wasaaraha XFS, Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaare ku xigeenka mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Wasiiro, Xildhibaanno iyo Marti sharaf kale.