Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Eritrea oo booqasho deg deg ah ku tegaya Magaalada Addis ababa

Dawladda Itobiya ayaa shaacisay in madaxweynaha Eritrea Isaias Afeworki uu bari oo sabti ah booqasho ku tagayo magaalada Addis Ababa.

Booqashadan rasmiga ah oo saddex maalmood ah ayuu uga jawaabayaa martiqaad uu ka helay ra’iisulwasaare Abiy Axmed, sida uu Twitterka ku shaaciyay agaasimaha xasiifka Ra’iisulwasaaraha Fitsum Arega.

Booqashadan ayaa diiradda lagu saari doonaa xoojinta calaaqaadka labada dal.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Ra’iisulwasaaraha Itoobiya booqasho la yaableh ku tagay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Booqashadaas ka dibna waxay labada dal shaaciyeen in la soo afjaray colaaddii labaatanka sano dhex taalay labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/ImjONuWmkLU

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo ku dhaqaaqay talaabo Muran badan dhalisay

Cabdi Cade

Janaraal Odawaa oo si adag u beeniyay Warar baraha bulshada lagu baahiyay

Cabdi Cade

Xildhibaan ku geeriyooday magaalada Muqdisho iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---