Maxamed Cusmaan Aadan oo ka tirsanaa Alshabaab, ayaa Isku soo dhiibey Taliska Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Maxamed ayaa la soo goostay Qori Ak-47 ah, waxaana la guddoonsiiyey lacag abaal marin ah oo loogu badalay hubkii uu lasoo goostay.
Waxaa uu sheegay inuu muddo labo sano ah u shaqeynayey Al-shababa, uuna ka soo howlgalay Gobolada Sh/dhexe, Baay iyo Jubooyinka.
“Waxaan cafis weydiisanayaa dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed mudadii aan ka tirsanaa kooxdaas argagaxisada ah, waxaana ugu baaqayaa ragga weli ku sii jira iney ka soo baxaan kooxdaas” ayuu yiri Maxamed Cusmaan Aadan.