Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sannadka 2022 (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyey Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sanadkan 2022-ka iyo Agaasimaha Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Golaha ayaa warbixin ku saabsan amniga dalka ka dhageystay Wasiirka Wasaaradda Amniga Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, iyadoo Wasaaraddu ay soo jeedisay in xilka Agaasimaha Nabad-sugidda loo magacaabo Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ay meel mariyeen Golaha Xukuumaddu.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirixmaan Ducaale Beyle ayaa soo gudbiyey miisaaniyadda dowladda oo dhan ,($918.7M) taas oo ay ansixiyeen Golaha Wasiiradu.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa uga mahadceliyey Wasaaradaha Amniga iyo Maaliyadda warbixinaha ay soo gudbiyeen iyo shaqada ay qabteen, isagoo u rajeeyey Agaasimaha Cusub ee Nabad-sugidda Iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad in Alle u fududeeyo shaqada loo igmaday.

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Muqdisho iyo Haweeney …

Cabdi Cade

Qoorqoor iyo xubno kale oo booqday halka laga dhisayo dekeda Hobyo (Sawirro)

Caydiid Ali

Qoyska Caa’isha Ilyaas oo cabsi iyo Cadaalad daro uga guuray magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---