Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Xassan Shiikh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka talefoonka wadahadal kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Maraykanka, Mudane Antony Blinken

Warbaahinta dowlada ayaa sheegtay in labada masuul ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga Labada Dal.

“Madaxweynaha ayaa dowladda Maraykanka uga mahad celiyey taageerada ay u fidiso dowladda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta DF.

Ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo laga helay kulankaas hase ahaatee Mareykanka ayaa soo dhoweeyey doorashada Madaxweynaha cusub ee Somalia Xassan Shiikh Maxamuud iyagoo sheegay iney sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan dowlada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa todobaadkii hore saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab  kaddib markii horaantii sanadkii 2021 uu Madaxweynihii hore ee dalkaas Donald Trump ka saaray Ciidamadii Mareykanka ee howlgalayay Soomaaliya

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan deg deg ah oo la iskugu yeeray Guddiga joogtada ah ee Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan muhiim ah la qaatay Ergay James Swan (Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Soomaaliya oo Shaaciyay in ay qabteen sargaal sare oo katirsanaa Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---