Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Isqabqabsi ka taagan Wasaarada arrimaha dibeda DF iyo Wasiirkii shaqada laga joojiyey oo..

Isqabqabsi gacan ka hadal ku sigtay ayaa maanta ka dhacay xarunta Wasaaradda arrimaha dibeda ee Somalia ka dib muran soo kala dhex galay Wasiirkii shaqo joojinta lagu sameeyey ee Wasaaradaas Cabdisaciid Muuse Cali iyo Wasiiru dowlaha Balal Maxamed Cusmaan.

Muranka ayaa bilowday markii labada masuul ay isku qabsadeen cida guddoomineysa shir ay lahaayeen Agaasimeyaasha waaxyaha Wasaarada oo maanta ka dhacayey xarunta Wasaaradaas sida ay Allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku dhow Wasaarada arrimaha dibeda.

Warka ayaa intaas ku daraya in Wasiir Cabdisaciid Muuse Cali uu soo galay qolka shirarka Wasaaradaas oo uu ka socday shir ay lahaayeen agaasime waaxeedyada Wasaarada, isagoo ku amray Wasiiru dowlaha oo shirkaas gudoominayey inuu ka baxo hoolka, isaguna uu xaq u leeyahay inuu guddoomiye shirka maadaama uu yahay Masuulka Wasaarada ugu sareeya.

Hase ahaatee waxaa arrintaas ka soo horjeestay Wasiiru dowlaha Wasaarada Balal Maxamed Cusmaan oo ku dooday una sheegay Wasiirka inuusan awood u laheyn giudoominta shirka maadaama shaqo joojin lagu sameeyey.

Muranka ayaa gaaray meel adag, iyadoo Labada masuul ay isdhaafsadeen ereyo kulul oo sababay gaaray inuu goobtaas ka dhaco dagaal gacan ka hadal ah, waxaana  warku intaas ku darayaa in markii dambe ay xaalada soo fara geliyeen saraakiisha qaabilsan amniga Xarunta Wasaarada oo ku qanciyey Wasiirka inuu goobta isaga tago.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maalin ka hor shaqada ka joojiyey wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa go’aankan sabab uga dhigay in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay fasaxday markab siday dhuxul si sharci darro ah looga dhoofiyay Soomaaliya oo ku xirnaa xeebaha dalka Cummaan.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay inuu sidoo kale baabi’iyay warqadaha Wasaaradda ee lagu fasaxay markabka, maadaama, buu yiri, ay khilaafsan yihiin shuruucda qaranka iyo kuwa caalamiga ah halisna ku yihiin dalka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo sidoo kale Rooble warqad uu soo saaray 14-kii bishan, uu ku joojiyey dhammaan shaqaalaha dowladda ee wasiirka beddelay ama shaqada ka eryey laga soo billaabo Janaayo  2022, taasoo uu sheegay inaysan waafaqsaneyn go’aan horey uga soo baxay Golaha Wasiirrada.

“Waxaa la farayaa Wasiirka in dhammaan shaqaalahaas dib loogu fasaxo hawlahooda shaqo, dibna loogu celiyo goobihii iyo xafiisyadii ay ka shaqaynayeen si ay u gutaan wajibaadkooda shaqo,” ayaa lagu yiri warqaddaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Shaqaalaha Hurmuud oo lagu dhax dilay xarun uu ka shaqeenayay

Cabdi Cade

Dagaal ka dhax qarxay labo Wadan oo kuyaala Qaarada Yurub

Cabdi Cade

Madaale oo shan qodob kala hadlay danjire Wang Yu (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---