Allbanaadir.com
NEWS

Bashar Al-Asad oo dib u qabsaday Magaaladii uu 7 sano ka hor ka bilowday kacdoonka (Daawo Sawirro)

Ciidamada dawladda Suuriya ayaa dib u qabsaday magaalada Deraa ee koofurta dalka, halkaasi oo ay maamulayeen kooxaha mucaaradka waana halkii 7 sano ka hor uu ka biliowday kacdoonkii Bashaar Al-Asad lagu diidanaa.

Ciidamo ay wehliyaan milatariga Ruushka ayaa galay goobta waxa ayna ka sureen calanka qaranka Suuriya, sidaasi waxaa sheegay warbaahinta dowladda Suuriya.

Waxaa la soo sheegaya in mucaaradka ay ogolaadeen in ay is dhiibaan si loo badbaadiyo.

Ciidamada ayaa dib u qabsaday inta badan goobaha ku hareereysan magaalada Darca tan iyo markiii ay ciidanka bilaabeen dagaalka 19-kii June ee sanadkan.

Qaramada midobay ayaa sheegeysa in ilaa iyo 234,000 oo qof ay ku barakeceen dagaalka, boqolkiiba toddobaatan dadkaasina waxa u qaxeen gobolka dariska ee Quneitra oo u dhaw buuraha Golan ee ay Israa’iil haysato.

Kumanaan kun oo qof oo kale oo markii hore u qaxay xuduudda ay suuriya la wadaagto Urdun ayaa guryahooda dib ugu soo laabatay kadib markii maalintii Jimacaha ahayd ay dagaalyahanada mucaaradka ee ku suganaa baadiyaha Darca ay ogolaadeen in ay hubka dhigaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/ImjONuWmkLU

Related posts

Qaramada Midoobay oo digniin ka bixisay musiibo ku soo wajahan Bariga Afrika

Caydiid Ali

Ciidanka Dowladda oo si buuxda ula wareegay Degmada Ceeldheer iyo DF oo ka hadashay

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo baaq ka dhan ah Al Shabaab u diray Shacabka Soomaaliyeed (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---