Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

FBI oo fashilisay qorshe lagu lagu dili rabay Madaxweynihii hore ee Mareykanka

Sida ay sheegtay Waaxda Cadaaladda Mareykanka Nin Ciraaqi oo magan-galyo weydiistay Mareykanka ayaa qorsheeyey inuu dilo madaxweynihii hore George W. Bush.

Shihab Ahmed Shihab, oo ah 52 jir, ayaa u sheegay qof la shaqeeya FBI-da balse uusan ka war hayn, inuu doonayey inuu ugu yaraan afar qof oo kale oo Ciraaqiyiin ah u soo tahriibiyo Mareykanka isagoo kasoo gelinaya xuduudda Mexico, si ay uga qeyb qaataan shirqoolka, sida ku cad kiis ay FBI-da ka diiwaan-gelisay Maxkamad federaal oo ku taalla magaalada Columbus.

Laba ka mid ah kooxda shirqoolka waday ayaa noqon lahaa saraakiil horey uga tirsanaa sirdoonka Iraq, halka labada kale ay noqon lahaayeen xubnaha kooxda Daacish ama koox fadhigeedu yahay Qatar oo Shihab uu ku magacaabay “Al-Raciid.”

Shihab ayaa u sheegay qofka la shaqeeya FBI-da inay doonayeen inay dilaan Bush oo amray duulaankii Ciraaq ee 2003, “sababtoo ah wuxuu mas’uul ka ahaa dilka Ciraaqiyiin badan iyo inuu burburiyey dalka oo dhan,” sida ku cad warqadaha Maxkamadda.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu adeer u ahaa hoggaamiyihii hore ee Daacish Abu Bakr al-Baghdadi, isla markaana uu dilay dad Mareykan ah kadib duulaanka.

Shihab ayaa la xiray aroortii Talaadada waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin dambi socdaal, iyo inuu kaalin iyo gacan ka gaystay isku day lagu dili lahaa mas’uul hore oo Mareykan ah.

Shihab oo degan Columbus iyo qofka la shaqeynayey FBI-da ayaa shirqoolka gaarsiiyey heer ay booqdaan magaalada Dallas ee gobolka Texas, si ay usoo eegaan meelaha uu degan yahay Bush, iyo inay ka wada hadleen sida lagu heli karo hub, dareeska ciidamada amniga iyo baabuur loo adeegsado shirqoolka.

Waxa uu sidoo kale weydiistay qof kale oo si hoose ula shaqeeya FBI-da balse uusan isaga ogeyn inuu gacan ka siiyo soo tahriibinta xubno ka tirsan qoyskiisa isaga oo u ballan-qaaday tobanaan kun oo dollar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in wali uusan ka quusan mudo kororsi

Cabdi Cade

Itoobiya oo shaacisay Qorshe culus oo halis ku ah Soomaaliya & dama Farmaajo oo Somaliland ka xanaaqday !!

Cabdi Cade

Jawaari oo markii ugu horeysay ka hadlay iscasilaadiisa iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---