Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in Xildhibaan Mahad Salaad loo magacaabay Taliyaha ciidamada NISA ?

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshada lagu baahinayay warar sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Warkan ayaana noqday mid si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayna si weyn u hambalyeenayeen qaar kamid ah taageerayaasha Xildhibaanka, waxaana warkan dadka qaar ku adkaatay run in been waxa uu yahay in ay kala gartaan.

Qoraal uu goordhaw soo saaray Xildhibaan Mahad Salaad ayuu ku beeniyay warkan laga faafiyay ee ah in loo magacaabay taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka , waxa uuna shacabka ugu baaqay in aysan ku khatalmin wararka been abuurka ah.

“Wararka Baraha Bulshada lagu qorayo waa been ee yaan lagu khatalmin ikhiyaarey. Hambalyadana yaan la iga qasaarinin ee hala ii kaydiyo. Mahadsanidiin” ayuu ku yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Warkan ayaa imaanaya xilli Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xilka si rasmi ah ula wareegay uuna bilaabay magacaabis, waxaana xusid mudan in hay’adda NISA aysan wali laheyn taliye rasmi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Odayaal ‘ka baxsaday ciidan uu usoo diray’ Axmed Madoobe oo ka cararay Kismaayo iyo Wararkii ugu danbeeyay !!

admin

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Wasiirka Gaashaandhigga Talyaaniga (Sawirro)

Cabdi Cade

Puntland oo si kulul uga hadashay Wararka sheegaya in la sii daayey raggii dilay Caa’isha Ilyaas

Caydiid Ali
Taboola Ads ---