Allbanaadir.com
NEWS

Qarax warshad Kiimiko oo ka dhacay Magaalada Jiang’an & dad badan oo ku dhintay (Daawo Sawirro)

Qarax aan la ogeyn waxaa sababay ayaa ka dhacay xarun warshado oo ku taalla gobolka Sichuan ee dalka Shiinaha ayaa galaaftay nolosha 19 ruux, iyadoo ku dhaawacmaan 12 kale, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka dawladda ee Xinhua.

Masuuliyiinta degaanka Jiang’an ee uu qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay warshad kiimiko oo ay gacanta ku hayso shirkadda Yibin Hengda Technology, sida ay tabisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Sawirro la soo dhigay baraha ay bulshadu ku xiriirto ee dalka Shiinaha ayaa muujiyay dab wayn iyo uuro cirka isku shareertay oo ka kacay dhismaha warshada.

Arrintan ayaa timid iyadoo ay dalka Shiinaha horay uga dhaceen masiibooyin ka dhashay shirkado kiimikooyinka sameeya.

Sannadkii 2015kii, 173 ruux ayaa ku dhintay qarax ka dhacay xarun warshadeed oo ku taalla magaalo xeebeedka Tianjin ee dhacda waqooyiga bari ee Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo ku dhintay Shil Tareen oo ka dhacay Qaahira (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Yaa ka Masuul ah qiimo dhaca ku socda Baasaboorka Diblomaasiga DF?

Caydiid Ali

War Cusub oo kasoo kordhay ninkii Faransiiska u xireen kiiska Dilka Jamal khashoggi

Cabdi Cade
Taboola Ads ---