Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wadahadleen Wasiirka difaaca DF & dhigiisa Stergmena Lawrence? (sawirro)

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Somalia , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta kulan la qaatay magaalada Daarusalaam ee dalka Tanzaniya Wasiirka Difaaca iyo adeegga Qaranka Dalkaasi marwo, Stergomena Lawrence Tax.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Tanzaniya, gaar ahaan arrimaha amniga gobolka iyo iskaashiga labada Wasaaradood ee difaaca.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ugu mahad celiyay dowladda Tanzaniya soo dhoweynta diirran ee ay isaga iyo wafdigiisu u sameeyeen.

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Somalia , Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale kulamo la yeelan doona xubno ka tirsan Jaaliyada Somaaliyeed ee dalkaas ku nool, isagoo kaga warbixinaya xaalada dalka isbedelada siyaasadeed ee ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dufcadii 3aad oo lagu soo dhoweeyey iskaashiga Jaamacadda UPEACE & Machadka SDRI (Sawirro)

Caydiid Ali

 Amiin Quran Online oo fursad qaaliya u haya Qurbajoogta Soomaliyeed iyo Carruurtooda

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo kulan la yeeshay guddiga heer Qaran ee Gurmadka Abaaraha (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---