Allbanaadir.com
NEWS

Cabdi Max’uud Cumar oo cafis weydiistay shacabka degaanka Soomaalida Itoobiya

Madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa hoggaanka Jabhadda ONLF ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan baaqa Ra’isal wasaare Abiy Axmed uu u soo jeediyey jabhadaha iyo xisbiyada mucaaradka ee ah inay nabad qaataan.

Wuxuu hadalkaasi ka sheegay wareysi uu siiyey warbaahinta Deegaanka, wuxuuna kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda iyo isbeddellada 100-ka maalmood ee uu xilka hayey ra’iisul wasaaruhu.

Wuxuu intaa ku daray in mar kasta oo shaqo la qabanayo uu khalad dhici karo, “balse wararka brobogaandada marka la iska reebo wixii aan khaladkiisa leennahay inaan saxno ayaan diyaar u nahay” ayuu yiri.

Hadalka Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku soo beegmaya ayadoo Isbeddello siyaasadeed ay ka socdaan dalka Itoobiya.

Wuxuu kaloo sheegay Cabdi Maxamuud Cumar in khaladaadka horay u dhacay ay mas’uuliyaddooda qaadayaan xukumadda deegaanka iyo xisbiga talada haya, wuxuuna madaxweynahu cafis ka dalbaday shacabka deegaanka.

“Dhammaanteen waa inaan khaladkeenna qiranno, isla markaana aan dalbanno cafis, dhaqankaasi ayaa loo baahan yahay inaan dhammaanteen caadeysanno” ayuu yiri.

Jabhadda ONLF oo uu dhawaan golaha baarlamaanka dalka Itoobiya ka saaray liiska ururrada argagixisada, ayuu weydiistay in fursadda la siiyey iyaga oo ka faa’ideysanaya ay si nabadgalyo ah siyaasaddooda u wataan.

“Hoggaanka jabhaddu colaaddii iyo naceybkii hore ee ay sannado badan waddanka u hayeen intey dhinac iska dhigaan, dadaallada nabadeed ee dalka ka socda waa iney qayb ka noqdaan” ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar.

“Dhammaan maxaabiistii u xirneyd deegaanka ee jabhadda ONLF waa la sii wada daayey, wakhti xaadirkan hal qof oo jabhadda ONLF darteed u xiran ma jiro” ayuu sii raaciyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowlada oo bur burin ku bilaabay dhul uu sheegtay in uu leeyahay Wiil uu dhalay Siyaad Barre

Cabdi Cade

Midowga Afrika oo War ka soo saaray Xiisada ka aloosan xadka Somalia iyo Kenya

Caydiid Ali

Gabar kamid aheyd Guddiga Doorashada uu Qoor Qoor soo magacaabay oo liiska laga saaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---