Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo Shaqada ka joojiyay Wasiir tallaabo sharci daro ah qaaday

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu shaqada uga joojiyay Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali.

Wareegtada uu soo saaray Ra’isul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in sababta shaqada looga joojiyay Wasiirka arrimaha dibadda in ay tahay in si sharci daro ah u fasaxay markab siday dhuxul oo ku xirtay dekadda dalka Cumaan.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale buriyay warqada wasaaradda arrimaha dibadda ku fasaxday markabka dhuxusha sharci darada ah qaaday ee ku xiran dakadda kutaalla dalka Cumaan.

Rooble ayaa xafiiska xafiiska hanti dhooraha qaranka iyo hay’addaha amniga faray in baaris ku sameeyaan falkan l;agu eedeeyay wasiirka arrimaha dibadda una gudbiyaan hay’daha garsoorka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Eedeyntii ugu kululeyd oo Villa Somalia loo jeediyey & Wararkii ugu dambeeyey Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Dalkii ugu horeeyey oo ku dhawaaqay in maalinta Isniinta ah ay tahay 1-da bisha Ramadaan

Caydiid Ali

War cusub oo ka farxiyay dadka Sacuudiga kasoo kordhay xaalada Boqor Salman

Cabdi Cade
Taboola Ads ---