Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Biden oo si cad ugu hanjabay inuu difaacayo Taiwan haddii Shiinuhu soo weeraro

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku uu faragelin milatari samayn doono si uu u difaaco Taiwan haddii Shiinuhu ku soo duulo Jasiiraddaasi.

Hadalka sidan u cad ee uu arrintan ku sheegay ilaa hadda, waxa uu soo afjarayaa sannado badan oo madmadow istiraatijiyadeed uu ka imanayey madaxdii isaga ka horreysay.

Biden oo ka hadlayay booqashadii uu ku tagay Japan ayuu sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay siyaasadda ku salaysan shiinaha oo mideysan.

Laakiin waxa uu sheegay in duullaan lagu soo qaado Taiwan uu kala furfuri doono gobolka oo dhan.

Mareykanka iyo xulafadiisana ma ogolaan doonaan inay taasi dhacdo isagoo barbar dhigaya duullaanka noocaas ah waxa ka socda Ukraine.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in Beijing ay aad uga xuntahay hadalladan oo kale, isagoo ku daray in Taiwan ay tahay qayb aan la aqbali karin oo ka tirsan dhul weynaha Shiinaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://www.youtube.com/watch?v=0ntQuQrhWAg

Related posts

Raisul Wasaare khayre iyo wafdi uu horkacayo oo saaka dalka ka ambabaxay

Caydiid Ali

Xafiiska arrimaha Qunsuliyadaha ee Wasaaradda A/dibadda oo laga furay Garowe (Sawirro)

Cabdi Cade

Soomaaliya Dhulkii Hodantinimada iyo Dheemanta ee Musharaxiinta badan ku hardamayaan !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---