Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo ka dib, Madaxtooyada Somalia oo Warkii ugu horeeyey soo saartay (Akhriso)

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay iclaaminaysaa in xogta warbaahineed ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud lagala socon doono, maanta laga bilaabo, bogagga rasmiga ah ee Villa Soomaaliya ee mareegta internetka iyo Baraha Bulshada.

Sidoo kale, waxaa Keyd Qaran noqday xogta ku jirta Baraha rasmiga ah ee Madaxtooyada oo ilaa haatan lagu keydiyey xogta-warbaahineed ee Madaxtooyada tan iyo bishii May ee sanadkii 2011-kii, taas oo dhaxal u ah jiilasha Soomaaliyeed, muraayadna u ah taariikhda iyo dowladnimada dalkeenna.

Agaasinka, Madaxda iyo hawlwadeennada Madaxtooyada waxa ay soo dhaweeyaan Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta xilka la wareegay, waxa ayna muujinayaan sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran ee ku aaddan dhismaha dowladnimada iyo difaaca danaha shacabka Soomaaliyeed

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dal ay curyaamiyen dagaalo oo wadamo ay Soomaaliya ku jirto ugu deeqay..

Caydiid Ali

Milatariga Sudan oo Shuruudo adag hor dhigay xubnaha wadahadalka ku metalaya SRF

Cabdi Cade

Madaxweyne Putin oo ku hanjabay in ay bur burin doonaan Gantaalada Difaacada hawada ee Patriot

Cabdi Cade
Taboola Ads ---