Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliban oo amar adag ku soo rogtay haweenka ka shaqeeya Telefishinada

Sida ay muujineyso walaaca warbaahinta iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka, Amarka Taalibaan ee ah in dumarka suxufyiinta ah ay qariyaan wajigooda inta ay talefishinada ka hadlayaan ayaa loo arkaa isku day lagu doonayo in lagu tirtiro gabdhaha suxufiyiinta ah.

Warbaahinta Afghanistan ayaa Khamiistii sheegtay in wasaaradda farista wanaagga iyo reebista xumaha ee Talibaan ay ku wargalisay in dumarka suxufiyiinta ah ay tahay in ay wejigooda qariyaan inta ay hawada ku jiraan.

Afhayeenka Taliban Zabihullah Mujahid ayaa Khamiistii u sheegay warbaahinta in tallaabadan ay tahay “amar diini ah” oo ay tahay in dhammaan haweenka, oo ay ku jiraan saxafiyiinta, ay adeecaan.

“Inay qariyaan wajigooda waxay kaalmaysaa xishoodkooda iyo sharaftooda, waxay kaalmaysaa qiimaha qoyskooda, maaha wax lagu sheego khatar” ayuu yidhi Mujaahid.

Hase yeeshee gabdhaha suxufiyiinta ah iyo dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda ayaa amarkan u arka mid caqabad horleh ku ah inay shaqeeyaan, waxaana dad badani u arka tallaabo dib u dhac ah oo ay sheegeen in ay adkaan doonto in la hadlo haddii wejigooda la daboolo.

“Aad baan uga walaacsanahay xannibaadaha cusub,” ayay tiri Lima Spesali, oo ah soo-jeediyaha Kabul 1TV. “Waxay noqotay arrin si cad isu soo tareysa in Taaliban ay xayiraado dheeraad ah kusoo rogayso haweenka suxufiyiinta ah.” ayay raacisay.

Mid ka mid ah haweenka suxufiyiinta ah ee ku sugan magaalada Kabul, oo magaceeda qarisay ayaa sheegtay in Taliban ay doonayaan inay dumarka ka tirtiraan warbaahinta.

Related posts

Rooble oo Golaha shacabka la hortagaya qorshe muddo kordhin iyo nooc doorasho cusub

Caydiid Ali

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo Cabsi lasoo daristay Soomaalida kunool dalkaasi

admin

Wasiir Booskiisa waayay oo afka furtay & Dhismaha Maamulka Hirshabelle iyo Farmaajo oo dhib kala haysta !!

admin
Taboola Ads ---