Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Safiirka Itoobiya u Jooga Muqdisho oo kulan yeeshay (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cbdi Xaashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa Aqalka Sare ku qaabilay Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan oo ugu yimid salaan iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa.

Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo safiirka dowladda Itoobiya jooga Soomaaliya ayaa sidoo kale kawada hadlay arrimo dhoor ah ay kamid ahaayeen adkaynta xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada Dal.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa safiirka u sheegay in Itoobiya xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo , waxa uuna uga mahadceliyay kaalinta ciidankooda kaga jiraan Nabad Ilaalinta Soomaaliya.

Safiirka dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya Mudane Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa siyaabo kala duwan ula kulmay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyo guddoomiyaha golaha shacabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Bajaajle ah oo lagu dilay Muqdisho iyo Askarigii dilay oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Somaliland oo Heegan ka gashay ka hortagga Xannuunka Coronavirus (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mareykanka oo Duqeymo culus ka geestay dhul buuraley ah oo kuyaalla Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---