Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Maxaa ka soo baxay Wadahadalkii Xassan Shiikh iyo IMF oo la soo gebagebeeyey?

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in maanta uu soo gabogaboobay wadahadal u dhaxeeyay Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud iyo Hey’adaha dhaqaalaha adduunka.

Wasiir Beyle ayaa yirri “waxaan maanta soo gabagabeynay kulamadii Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Hassan Sheikh Mohamud iyo Hey’adaha dhaqaala Adduunka oo maanta ay ugu damneysay kulanka Bangiga Horumarinta Afrika”

“Teamka AfDB, Wasaaradda Maaliyadda iyo madaxweynaha waxa ay ka wadahadleen sii wadidda howlaha dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo taageetada Bangiga ee Soomaaliya”

Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in Madaxweynaha cusub ay ka go’an tahay ka guul gaarista barnaamijka dayn cafinta .

“Madaxweyne Xassan Shiikh ayaa ballan qaaday in Dowladdiisu ay xoogga saari doonto dhameystirka howlaha deyn-cafinta”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kim John Un oo Raisul Wasaaraha dowlada Japan ku tilmaamay qof doqon ah

Caydiid Ali

(Akhriso Magacyada) Guddiga Badbaadada Doorashooyinka oo hogaan cusub doortay

Caydiid Ali

Nin Muuqaallo anshax xumo ah ka duubay Gabdho da’yar ah oo Xukun adag lagu riday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---