Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo iyo Xassan Shiikh oo mar kale Villa Somalia kulan ku yeeshay (Sawirro)

Madaxweynaha xilka ka dagaya ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka mar kale kulan kula qaatay Madaxweynaha cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa noqonaya kii 3aad ee ay yeeshaan labada Madaxweyne tan iyo markii la doortay Madaxweyne Xassan Shiikh 15kii bishan.

Kulankan u dambeeyey ayaa ayey kaga wada hadleen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Madaxweynaha xilka ka degaya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maalinta Isniinta uu si rasmi ah u wareejiyo Xafiiska Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay uu bilaabay geeddiga guuritaankiisa Villa Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Xassan Shiikh oo Gudoomiyey kulan deg deg ah oo uu yeeshay Golaha Wasiirada

Caydiid Ali

Jilaaga ugu Mushaharka badan dunida & qoyskiisa oo laga helay COVID-19

Caydiid Ali

Sheekh Aadan Madoobe oo Madaxweynaha Hirshabelle kala hadlay arrimo muhiim ah (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---