Allbanaadir.com
NEWS

Eng. Yariisow oo sheegay in la Maxkamadeynayo shaqaalaha dowlada hoose qaarkood (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) Yariisow ayaa sheegay in talaabo adag laga qaadayo shaqaalaha dowladda hoose ee aan soo xaadirin shaqada iskana qaata mushaharka.

C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa hadalkaan ka sheegay ka dib markii uu maanta daah furay barnaamij lagu tayaynayo shaqaalaha gobolka laguna bilaabayo isla xisaabtan dhab ah.

Eng. Yariisow ayaa sheegay in maxkamad la soo taagayo shaqaalihii ay ku soo cadaato in 5 bilood ee la soo dhaafay uusan shaqeyn mushaharna qaatay, sidoo kalena dhamaan lacagihii uu qaatay laga soo celinayo.

Duqa Muqdisho ayaa xusay inaysan aqbali doonin in mushahar aan shaqadiisa la qaban la qaato hadda ka dib, wuxuu kaloo tilmaamay in la yareynayo shaqaalaha hadda ka shaqeya gobolka tiradooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay inaysan macquul ahayn in shaqaale badan ay gobolka ka sii shaqeeyaan iyagoo qaarkood aan soo xaadirin shaqada, ayna dhamaatay xilligii Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta lagu tashan jiray.

“Shaqaalaha aan shaqaynin ee mushaar iska qaata gobolkan ma xamili karo, sidaas darteed waxaan bilaabeynaa isla xisaabtan dhab ah, 5-tii bilood ee ugu dambeysay shaqaalihii mushahar qaadanayay hadana aan shaqo qaban hay’adaha garsoorka ayaan u gudbineynaa talaabo sharciga waafaqsan ayaana laga qaadaa, lacag kasta oo gobolka uu ka qaatayna dib ayuu u soo celinayaa,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

Related posts

DF oo ka hadashay dagaalkii Wanlaweyn & Farmaajo oo qaatay go’aan cusub

Caydiid Ali

Xildhiban Faarax C/Qaadir oo si adag uga hadlay Dacaayad laga fidiyay isaga iyo Madax kale

Cabdi Cade

Sargaal katirsanaa ciidanka Gorgor oo Muqdisho lagu dilay iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---