Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Max’uud ayaa soo ka hadlay dabkii xalay ka kacay Suuq ku yaalla Isgoyska Banaadir.
Xassan Shiikh ayaa sheegay inuu xanuunka la qeybsanayo ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkaas.
”Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow ayuu yiri” Madaxweynaha.
Xassan Shiikh ayaa sheegay in Musiibada dabku ay ka mid tahay Arrimaha uga baahan maareynta, isla markaana xilligeeda iyo xalkeeda la gaari doono.