Madaxa howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa sheegay in dalalka saaxiibbada la ah Soomaaliya ee la shaqeeya ciidammada xoogga dalka, aysan lahayn qorsho wada shaqeyn oo mideysan.
Madeira wuxuu sheegay in tababarada kala duwan ee ciidammada Soomaaliya la siiyo aysan ka muuqan goobaha dagaalka ee ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.
Qorshaha wuxuu yahay in masuuliyadda howlgalka ay la wareegaan ciidammada xoogga dalka Soomaaliya. Askarta ayaa laga doonayaa in ay qeyb muhiim ah ka noqdaan dhowridda amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Laakiin madaxa AMISOM wuxuu sheegayaa in militariga Soomaaliya aysan diyaar u ahayn in ay la wareegaan saldhigyada ay AMISOM ka bexeyso iyo howlgalka amniga”.
Ciidamada Soomaaliya ma haystaan qalab ku filan, tiradoodana ma gaareyso inta loo baahan yahay, balse waxay hadda la howlgalaan kuwa AMISOM iyo ciidammo kale oo ajaaniib ah.
Midowga Yurub, Turkiga, dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, iyo kuwa kale ayaa tababara ciidamada Soomaaliya, balse Madeira wuxuu sheegayaa in loo baahan yahay in la isu yimaado oo la isku raaco qaabka loo mideyn karo dadaalka la wado.
Wuxuu sheegay in qaar ka mid ah ciidammada la tababaray ay maamul goboleedyo ka tirsan yihiin, qaarna ay ku biiraan shirkado gaar loo leeyahay oo amniga ka shaqeeya, kuwana ay ka tirsan yihiin militariga balse aysan haysan waxyaabaha aasaasiga ah sida hubka iyo xarrumo.
Tani waxay imaaneysaa iyadoo AMISOM ay bilowday in si aayar ah uga baxdo Soomaaliya. Illaa 1000 askeri ayaa illaa iyo hadda ka baxay dalka.
In AMISOM ay bilowdo ka bixidda Soomaaliya wuxuu ka dhashay qaraar ay Qaramada Midoobey saxiixday bishii August.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com