Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye cusub oo loo magacaabay Maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa Guddoomiye cusub u Magacaabey degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiye Yariisow ayaa waxaa Gudoomiyaha Degmada Hodan loogu Magacaabay C/xakiin C/raxmaan Ciise (Dhagajuun).

Xilka Guddoomiyaha degmada Hodan ayaa waxaa dhowaan laga qaaday Maxamed Axmed Cantoobo oo loo magacaabay agaasimaha arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow)  ayaa la filayaa inuu xilalka ka qaado gudoomiyeyaal kale oo ka tirsan degmooyinka gobolka, gudoomiyeyaal cusubna u magacaabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo gaaray Qaahira iyo xogta waxa uu kala hadli doono Al Siisi

Cabdi Cade

Muxuu yahay qorshaha DF ugu talo gashay degaanada cusub ee gacanteeda soo galay?

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay New York iyo Ninkii ka dambeeyay oo la qabtay (Daawo Sawirada)

admin
Taboola Ads ---