Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Gorgor oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab (Sawirro)

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandoska GorGor ayaa la-wareegey fariisimo Al-Shabaab ka go’doomin jireen Degmada Matabaan iyo deegaanada hoostaga

Degaanada howlgalada qorsheyshan Ciidamada ka sameeyeen waxaa ka mid ah. Labi ceebad, Bacaha, Beergadiid, Xodale, Xajiin farayar, Laasaban iyo Coomaad.

Degaanadan ayaa dhamaantood u dhaxeeya magaalooyinka Baladweyne iyo Matabaan.

Taliyaha ururka 3-aad guutada 17-aad ee GorGor Dhamme Jamaal Cilmi Aadan ayaa sheegay in Al Shabaab isaga baxeen Tuulooyinka Ciidanku Howlgalada ka sameeyeen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray inay Howlgalkoodu uu yahay mid sii socon doona illaa Al-shabaab ay ka saaraan meelaha ay joogaan ee gobolka Hiiraan.

Related posts

Raisul Wasaare Khayre oo dadweyne fara badan kala qeyb galay daawashada ciyaar xiiso badan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

(Akhriso) Dowlada Somalia oo ka jawaabtay Warbixintii guddiga QM ee xayiraada hubka

Caydiid Ali

Dowladda Somalia oo heshiis hoose la gashay Madaxweynaha Jubbaland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---