Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo kusii jeeda Imaaraadka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la ogaaday

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo xubno la socda ayaa kusii jeeda dalka Imaaraadka Carabta, maalmo kaddib markii magaalada Muqdisho lagu doortay Madaxweyne cusub oo Soomaaliya yeelatay.

Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u aadaya dalka Imaraaadka Carabta ka qeyb galka aas loo sameenayo Madaxweynihii dalkaasi oo dhawwaan geeriyooday.

Aaska Madaxweynaha dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa ka qeyb galaya madax kala duwan oo daafaha caalamka ka socda, waxa ayna Soomaaliya kamid tahay wadamadda Madaxdooda aaska lagu casuumay.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaana aaska kadib lagu wadaa in uu kulamo la qaato madax katirsan dowladda Imaaraadka Carabta uuna kala hadlo xiriirka labada dal iyo isbadalka ku yimid hoggaanka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ku biirista Soomaaliya ee Ururka Bariga Afrika oo uu war cusub kasoo kordhay

Cabdi Cade

Guddiga Amniga Qaranka oo go’aano ka soo saaray wadooyinka xiran ee Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo saakay dilay Xubno badan oo katirsanaa Shabaab soo weeraray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---