Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjiraha Itoobiya oo Xassan Shiikh gaarsiiyey dhambaal ka yimid Abiy Ahmed

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay danjiraha Itoobiya u fadhiya Somalia Abdulfatah Abdullahi Hassan.

Madaxweynaha ayaa ka gudoomay danjiraha Dhambaal Hambalyo ah oo uu ka waday Raiā€™isal Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali.

Sidoo kale, Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood, gaar ahaan arrimaha amaanka, ganacsiga iyo wax wada qabsiga.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa sidoo kale la kulmay wakiilka Qaramada midoobay ee Somalia danjire James Swan.

“Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan waxa uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa, waxa ay ka wada hadleen sida ugu wanaagsan ee Qaramada Midoobay ay u sii wadi karto taageerada ay siiso Soomaaliya iyo dadkeeda” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska QM ee Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hanjabaadii iyo Dhaartii Sheekh Shariif oo la sheegay in dalka Bad baadisay !!

Cabdi Cade

Dacwad ka dhan ah Jarmalka oo hub ku taageeray Israel oo loo gudbiyay Maxkamadda ICJ

Cabdi Cade

Farmaajo oo u yeeray Shiikh Shariif & Xassan Shiikh iyo qorshe cusub oo socda

Caydiid Ali
Taboola Ads ---