Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo ay ka wada hadleen gebagebada howshii doorashada dalka ee guushah ku soo dhammaaday.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada dalka iyo dhabar adeygii uu muujiyay si uu uga miro dhaliyo doorashadii dalka oo ku soo dhammaaatay si nabad ah.
Axmed Madoobe ayaa muddo sannad ka badan aan cagtiisa saarin xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana maanta booqashada uu ku tagay aheyd miod kaga duwan kuwii hore, waxa uuna ku dhax lugeeyay xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble.
Isbadalka ka dhacay hoggaaminta dalka ayaa qeyb weyn waxaa ku lahaa Jubbaland oo dagaal siyaasadeed oo adag la gashay Madaxweyne Farmaajo, waxaana Xildhibaanada Jubbaland lagu soo doortay si weyn u taageereen Madaxweune Xasan Sheekh.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com