Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo xildhibaano katirsan labada Aqal oo laga soo doortay Koonfur Galbeed ayaa sallaan iyo hambalyo ugu tagay Madaxweyne Xasan Sheekh.
Laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud guusha uu ka gaaray doorashada, waxa uuna u ballanqaaday in uu diyaar u yahay in uu garab istaago lana shaqeeyo .
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si aan ganbasho laheyn u taageeray Madaxweynaha laga guuleestay ee Farmaajo, waxa uuna Laftagareen taageeray go’aano badan oo dalka halis galinayay isaga oo raali gelinayay Farmaajo.
Dadka siyaasadda Falanqeeya ayaa aaminsan in Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug saameyn xooggan ku yeelan doonto isbadalka dalka ka dhacay, waxa ayna labadan Madaxweyne adeege u ahaayeen Madaxweynaha guuldareestay ee Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com