Allbanaadir.com
NEWS

Qarax ka dhacay Maqaayad kutaalla Balcad iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Warar ka imaanaya degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in goordhaw halkaasi uu ka dhacay qarax nuuca miinada ah oo la dhigay maqaayad caan ah  lagu cunteeyo oo kutaalla Balcad.

Sida aan wararka ku helnay qaraxa ayaa ka dhacay gudaha maqaayada Bintood oo kutaala kasoo horjeedka xarunta maamulka degmada Balcad, waxaana maqaayadaasi tagi jiray shaqaalaha xarunta degmada iyo ciidamada ammaanka.

Qaraxa ayaa la sheegay in ay ka dhasheen khasaaro u badnaa dhaawacyo, waxaana dadkii qaraxa ku dhaawacmay loola cararay xarumo caafimaad halka qaarkoodna loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka degmada Balcad ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiro faah faahino kasoo baxay maamulka Balcad oo ku aadan sida uu qaraxu ku dhacay iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xisbullaah oo War kasoo saartay Geerida Hoggaamiyahooda Xasan Nasrallah

Cabdi Cade

Wasiir difaacay wax ka beddelka Dastuurka fartana ku fiiqay Siyaasiyiinta diidan

Cabdi Cade

Abwaan Sooraan Ismaaciil oo geeriyooday iyo Raisul Wasaare Rooble oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---