Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Xassan Shiikh kala hadlay taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo XDS? (Sawirro)

Madaxweynaha la doortay ee Somalia Xassan Shiikh Max’uud ayaa kulan la qaatay taliyeyaasha ciidamada Booliska iyo Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Xassan Maxamed Xijaar iyo Jen. Odowaa Yuusuf Raage.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee Madaxweynaha la doortay ee Somalia uu la qaato taliyeyaasha ciidamada dowlada.

“Waxaan kulan la qaatay taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska Soomaaliyeed. Waxaan ka dhageystay warbixinta guud ee amniga dalka iyo qorshayaasha hortebinta leh xilliga kala guurka. Amniga waa muhiimmadda koowaad ee dowladda” ayuu yiri Xassan Shiikh

Madaxweynaha cusub ee Somalia ayaa wada kulamo kala duwan ka wada magaalada Muqdisho ka dib doorashadii uu xalay ku guuleystay, waxaana la filayaa inuu dhowaan xafiiska si buuxda ula wareego.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulamo caawa ka socda Muqdisho & Goodax Barre oo war yaab leh soo saaray

Caydiid Ali

Ruushka oo taageeray Istaraatiijiyada Turkiga ee Arrimaha dalka Suuriya

Cabdi Cade

Nin lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Muuse Biixi oo xukun lagu riday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---