Wararka aan ka heleyno xaafada Suuqa Xoolaha ee degmada Hiliwaa ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya rasaas xoogan oo khasaaro kala duwan dhalisay ku fureen dad shacab ah oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha.
Ciidamo katirsan Milatariga oo ka yimid dhinaca xerada Maslax ayaa la sheegay in rasaas ku fureen dad ku sugnaa Dalcada Suuqa Xoolaha, waxaana rasaastaasi inta la xaqiijiyay ku dhintay labo qof halka afar qof kalana ay ku dhaawacmeen.
Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ciidanka Shacabka rasaasta ku furay ay goobta isaga tageen, waxaana Suuqa Xoolaha ka bilowday banaan bax ay dhigayaan dadka shacabka ah iyo Ganacsatada Suuqaasi ku sugan ay kaga soo horjeedaan ciidanka.
Xaalada kacsanaan ah ayaa laga soo sheegayaa in xaafada Suuqa Xoolaha ka jirto, waxaana halkaasi sidoo kale ka dhacay iska hor imaad dhax maray ciidamo kawada tirsan dowlada iyo qaraxyo miino oo lagu weeraray ciidamada AMISOM.
Waxii warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com