Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Donlad Trump oo safiir cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maalintii shalay magacaabay Safiirka cusub ee dowladiisa u fadhin doona Soomaaliya, kadib markii uu shaqada ka tagay safiirkii hore ee Mareykanka u joogay Soomaaliya.

Trump ayaa usoo magacaabay Donald Yamamoto in uu noqdo Safiirka cusub ee Mareykanka u fadhin doona Soomaaliya, waxaana la filayaa safiirka la magaacabay in dhawaan Muqdisho yimaado si warqadaha aqoonsiga looga gudoomo.

Donald Yamamoto ayaa madax ka ahaa xafiiska Afrika ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka, waxaa uu sidoo kale horay u soo noqday safiirka Mareykanka fadhiya dalalka Itoobiya  iyo Djibouti  .

Safiirkii hore ee dowlada Mareykanka u fadhiyay Soomaaliya Stephen Schwartz, ayaa dhoor bil kahor shaqada ka tagay, waxaana la sheegay in Diblumaasigan isku dhaceen Madaxweyne Donald Trump.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bogg Facebook uu ka sameestay Axmed Karaash oo oo maalmo kadib hawada laga saaray

Cabdi Cade

Xaafad dadka kunool 50% yihiin Youtube-ley iyo Sababaha cajiibka ah ee ku kalifay!

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimo muhiim ah kala hadlay Espen Barth Eide

Cabdi Cade
Taboola Ads ---