Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Xasan Shiikh Max’uud oo loo doortay Madaxweynaha 10aad ee Somalia

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa loo doortay Madaxweynaha cusub ee Somalia hogaamin doona afarta sanadood ee soo socota ka dib markii wareegii ugu dambeeyey ee doorashada uu codad badan kaga guuleystay musharaxii la tartamayey oo ah Madaxweynaha xilka haya ee Somalia Farmaajo.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa helay codad ka badan kuwa farmaajo, waxaana magaalada Muqdisho ka socda damaashaadyo waaweyn oo lagu soo dhoweynayo doorashada, waxaana la ridayaa rasaas badan oo lagu dabaal degayo.

Madaxweynaha cusub ee Somalia Xassan Shiikh ayaa helay codad aqlabiyad leh oo gaaraya 214 halka Farmaajo oo uu ka helay 110 cod

Waa markii labaad ee Xassan Shiikh ku guuleysto doorashada Madaxweynaha Somalia.

Xassan Shiikh ayaa loo doortay Madaxwynaha dalka bishii Sebtemper ee sanadkii 2012, isagoo bishii Febraayo sanadkii 2017 xilka ku wareejiyey Madaxweynaha talada haya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda markiisa xilka ku wareejinaya Xassan Shiikh.

Related posts

(Akhriso) DF oo war ka soo saartay howlgal ka dhacay labo degaan oo lagu dilay..

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo bilaabay Dagaal Siyaasadeed ka dhan ah Kheyre !!

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo Gudoomiyay Shir looga hadlay arin Muhiim ah (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---