Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Farmaajo iyo Xassan Shiikh oo isku soo haray wareega finalka & codeynta oo bilaabatay

Waxaa la guda galay codeynta wareega ugu dambeeya doorashada Madaxweynaha Somalia ee ka socota magaalada Muqdisho.

Sida guddoonka Baarlamanku sheegay waxaa wareeegan ku loolamaya labada musharax ee kala ah Xassan Shiikh Maxamuud iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ahaa kuwii ugu codka badnaa wareegii labaad.

Labada musharax ayaa waxay ku kala bixi doonaan cod hal dheeri ah oo la mid ah musharaxii hal cod ka bata kan kale ayaa guusha la hoyan doona.

Farmaajo ayaa mar kale hogaamin doona afar sano waa hadii uu guuleysto, balse hadii uu guuldareysto waxaa uu xilka ku wareejin doonaa madaxweynihii xilka ka wareejiyey shan sano ka hor oo ah Xassan Shiikh Maxamuud oo sidoo kale noqonaya madaxweynihii ugu horeeyey Somalia ee talada ku soo laabta laba jeer.

Dhinaca kale. Tacshiirad xoogan ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Muqdisho wax yar ka dib markii la shaaciyey in wareega ugu dambeeya ee doorashada Madaxweynaha ay u gudbeen labada musharax ee kala ah Xassan Shiikh Max’uud iyo Maxamed C/laahi Farmaajo.

Rasaasta dhaceysa ayaa la sheegayaa iney tahay mid hordhac ah oo loogu dabaalddegayo musharaxa Xassan Shiikh inkastoo uusan weli ku guuleysan xilka welina ay socoto codeynta wareegii ugu dambeeyey.

Waxaa xiran dhamaanba jidadka magaalada Muqdisho oo haawanaya kaliya ciiidamada amaanka ayaa taagan meelaha qaar kuwaasoo ilaalinaya bandowga xalay lagu soo rogay magaalada

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Related posts

Duqa Muqdisho oo sheegay in ay qabteen Dukumiintiyo been abuur ah iyo dadkii watay

Cabdi Cade

Sida ay Israel ku heshay xogta ay ku dishay Fouad Shukr

Caydiid Ali

Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada aqal oo lagu kordhiyey lix xubnood oo metelaya..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---