Allbanaadir.com
NEWS

Shaqaalaha Rayidka ee Dowlada Soomaaliya oo Digniin adag hawada loo mariyay

Wasiirka Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi raxmaan Ducaale Beyleh ayaa digniin adag hawada u mariyay Shaqaalaha Rayidka ee dowlada Soomaaliya ee aan soo xaadirin shaqadooda.

Wasiirka ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii xuquuq joogta ah ay u heli lahaayeen Shaqaalaha Dowlada ee sida wanaagsan u shaqeeya, waxa uuna tilmaamay in il gaar ah lagu hayo shaqaalaha aan soo xaadirin goobaha ay ka shaqeeyaan.

Waxa uu Wasiirka u digay dadka aan u shaqeyn dalka iyo dadka ee Mushaaraadka iska qaata, wuxuuna xusay in baaritaan uu ku socdo isla markaana si fiican la iskula xisaabtami doonaan dadka aan shaqeyn ee hadana u qoran.

Wasiirka Maaliyada ayaa cadeeyay in mushaar la siinayo oo uu xaq u leeyahay qofkii u shaqeeya dowladda ee soo xaadira waqtigii loogu tala galay, kuna baxa waqtiga shaqada laga tagayo.

Dr Beyleh ayaa kula taliyay shaqaalaha safraya ama kuwa xanuunsan in looga baahan yahay in ay la socodsiiyaan madaxda iyaga ka sareysa, waxa uuna sheegay in aan la aqbali karin cudur daar aan rasmi aheyn.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan isku raacsanahay qofkii shaqeeya ee soo dhidhida xaqiisa inuu helo, laakin qof aan shaqeysan inaan mushaar siino waa cadaalad daro, waxba yuusan kuu soo war wareegin oo aanu xildhibaano kuusoo kaxeysan, ma qaadan doontid mushaar hadii aadan si sax ah u shaqeyn.” Ayuu yiri Wasiir Bayle.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili qaar badan oo kamid ah shaqaalaha dowlada Mushaarka ka qaata aysan xaadirin shaqooyinka ayna ka shaqeestaan goobo kale halka qaar kalana aysanba dalka joogin mushaarna qaataan iyaga oo maqan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dokumenti xasaasi ah oo lagu wareejiyey Guddiga Madaxa banaan ee Dastuurka

Caydiid Ali

(Sawirro) Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdi uu horkacayo oo galabta soo gaaray Muqdisho

Caydiid Ali

Xildhibaan loo diiday inuu ka hadlo fadhigii Baarlamanka ee maanta & sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---