Waxaa goor dhow bilaabatay codeynta Wareega labaad ee doorashada madaxweynaha Somalia oo ka socota teendhada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho
Waxaa wareegan oo aad u adag ku tartamaya afarta musharax ee ugu codadka badnaa wareegii hore sida uu sheegay gudoonka Golaha shacabka kuwaasoo kala ah
1-Saciid Cabdullaahi Deni 65 cod
2-Maxamed Cabdullaahi Farmaajo 59 cod
3-Xasan Shiikh Maxamuud 52 cod
4-Xasan Cali Kheyre 47 cod
Waxaa tartanka ka haray Musharaxiin culus oo la saadaalinayey iney wareega labaad u gudbi doonaan kuwaasoo ay ka mid yihiin Shariif Shiikh Axmed oo helay 39 cod iyo C/raxmaan C/shakuur oo isna 15 cod helay
LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALLAH