Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirinta codadka wareeega 1aad oo socota iyo Farmaajo oo illaa hadda ku horeeya

Waxaa socota tirinta codadka wareega 1aad ee doorashada madaxweynaha Somalia, waxaana la furay sanaadiiqda codadka lagu ridayey.

Sanduuqii ugu horeeyey ayaa waxaa furay gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo la bilaabay in kor loogu dhawaaqo cod kasta musharaxa helay, waxaana goobta fadhiya wakiilada musharaxiinta oo mid kasta loo dhiibayo codka uu helay musharaxa uu wakiilka ka yahay.

Codadka illa hadda lagu dhawaaqay ayaa waxaa ku horeeya musharaxa Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaa ku xiga Saciid Deni iyo Xassan Cali Khayre, sidoo kale waxaa tiro codad ah helay Xasan Shiikh Maxamuud, Shariif Shiikh Axmed iyo kuwo kale, waxaana tirada codadku ay yihiin kuwo aad iskugu dhow, mar walbana musharax cusub ayaa helaya codad badan oo is xiga.

Waxa la filayaa in marka ay tirinta dhamaato uu gudoonka Baarlamanku si rasmi ah ugu dhawaaqo tirada codeysay iyo sida loo kala helay, waxaana la filayaa in wareegn 2aad la galo haddii la waayo musharax hella kala bar codadka la dhiibtay sida dastuurku helayo guuleysanaya.

La soco wixii soo kordha insha allaah.

 

Related posts

Midawga Yurub oo lacagaha ka jaraya dal xubin ka ah iyo Sababta keentay oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Siciid Deni oo garoonka Boosaaso kaga hortagay saraakiil la dhaawacay (Sawirro)

Cabdi Cade

Qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday hotel ku yaalla Magaalada Kabul (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---