Allbanaadir.com
NEWS

Taalo Dad badan ka yaabisay oo laga dhisay magaalada Almaty !!(Daawo Sawirro)

Magaalada Almaty ee caasimada dalka Kazakhsatan waxaa laga dhisay Taalo loo ekeesiyay Xayawaanka loo yaqaan Dabagaalaha, waxaana taaladan ay noqotay mid dad badan aad ula yaabeen si weyna loo hadal hayo.

Dadka kunool magaalada Almaty ayaa kusoo toosay iyada oo magaalada dhaxdeeda laga dhisay taalo Dabagaale oo dheereerkeedu gaaraya 12 miitar, waxaana taaladan laga sameeyay alwaax sida ay sheegeen Injineeradii sameysay.

Taaladan Dabagaale ee laga dhisay Caasimada dalka Kazakhsatan ayaa qeyb ka ah mashruucyada dowladda hoose ay ku horumarinayso bilicda caasimadda, waxaana taaladan noqotay mid soo jiidatay dad badan.

Waxaa dhisay Taaladan cajiibka ah Injineero u dhashay dalalka Koonfur Afrika iyo Ingiriiska, waxaana sameynta taaladan ku baxday lacag dhan 15 milyan oo ah lacagta dalka Kazakhsatan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Xog cusub) Qoorqoor oo ku fashilmay abaabul uu ka waday Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Madaxweynaha Galmudug oo qaabilay Tiina Intelmann iyo Wafdi la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Cali Jeyte oo ka hor yimid xilkii laga qaaday, kuna dhawaaqay Hiiraan State

Caydiid Ali
Taboola Ads ---