Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray Geerida Sheekh Khaliifa Binu Sayid

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah uga diray qoyska, shacabka iyo guud ahaan dowladda Imaraadka Carabta geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii dalkaas, Mudane Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan.
 
“Mudane Maxamed Binu Raashid Aala Maktuum, Madaxweyne Ku-xigeenka Imaraadka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid Aala Nahyaan, Dhaxal Sugaha Imaraadda Abu Dhabi, waxaan idinka, qoyska Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Imaraadka Carabka, la wadaagayaa murugada geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan, Madaxweynihii Dowladda Imaraadka Carabka.”
 
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaal mariyo jannooyinkiisa, isaga oo dowladda iyo guud ahaan shacabka Imaraadka Carabta u rajeeyay samir iyo iimaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo tagay farumaha hore ee dagaalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Doorashada Doorashada Qof iyo Cod oo saakay ka bilowday Deegaannada Puntland (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Olole xoogan oo Caawa socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---