Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dagaalkii Dhuusamareeb oo sii xoogeystay iyo ciidamada ATMIS iyo kuwa Gorgor oo..

Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in dagaalkii u dhexeeyey ciidamada Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ee saaka halkaas ka qarxay uu sii xoogeystay.

Rasaas culus iyo qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayaa magaalada Dhuusamareeb oo saaka ku waabariisatay jawi colaadeed ka dib markii ay weerar ku soo qaadeen xoogaga Ahlusuna ee ku sugnaa degaanka Bohol.

Ciidamada ATMIS ee ka socda Jabuuti iyo kuwa Gorgor ee dowlada Somalia ayaa la sheegay iney ku biireen dagaalka iyagoo taageeraya ciidamada Galmudug ee difaacaya magaalada.

Madaafic hoobiyeyaal ah ayaa la soo sheegayaa iney ku dhaceen xaafadaha qaar, kuwaasoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay, waxaana cabsi iyo argagax xoogan uu soo wajahay shacabka ku nool magaalada oo ka walaacsan waxyeelo ka soo gaari karta hubka la isku adeegsanayo.

Waxaa gebi ahaanba hakad ku jira dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo socodka dadka iyo gaadiidka, jawi colaadeed ayaana magaalada saameeyey, khasaaraha dhinacyada dagaalamaya iyo shacabka ka soo gaaray dagaalkan weli lama oga.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA INSHA ALAH

 

Related posts

Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay askar uu ku jiray nin xaaskiisa ku dilay Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nin Xaaskiisa kula taliyay in ay is disho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Dowlada Ruushka oo Eedeyn xoogan loo soo jeediyay 

admin
Taboola Ads ---