Allbanaadir.com
NEWS

Magacyada Maxaabiis ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Sh/hoose

Dagaalo culus oo muddo kooban socday ayaa maanta ka dhacay duleedka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose kaasoo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Mas’uuliyiinta gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in dagaalkan uu yimid kadib markii wadada loo galay ciidamo ka tirsan kuwa gaarka ah ee Danab xili ay marayeen deegaanka Tixsiile ee duleedka degmada Afgooye, iyagoo gelbinayey  Maxabiis ka tirsan ururka Al-shabaab.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Danab ayaa xaqiijiyey in dagaalka lagu dilay laba Maxabuus oo horey ay gacanta ugu hayeen Ciidamada, ka dib markii ay isku dayeen inay ka baxsadaan gacanta Ciidamada, intii uu dagaalka socday.

Labada Maxbuus ee ciidamada ay dileen ayaa waxa ay kala ahaayeen Kalar Maadow Caliyow oo Al-shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada Shabeellaha Hoose iyo C/llaahi Xasan oo ahaa Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Ugu yaraan saddex ka mid ah ciidamada danab ee ku Howlgala shabeelaha hoose ayaa la xaqiijiyey iney ku dhinteen dagaalka, sidoo kale khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa soo gaaray dhinaca Al-shabaab kaasoo aan tiradiisa la ogeyn.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ayaa sidoo kale dagaalkaasi ku qabsatay 3 ka mid ah Gaadiidka dagaalka oo ay saarnaayeen hubka culus, kuwaasoo markii dambe la gubay sidoo kale Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay qabsadeen qalab kale oo dagaal sida ay noo xaqiijiyeen Saraakiil iyo Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

hase ahaatee Saraakiisha Kumaandoska Soomaaliya ayaa beeniyay in Al-shabaab ay la wareegeen Gaadiid Dagaal oo ay lahaayeen, waxayna Saraakiisha sheegeen in arrintaasi ay tahay mid Been abuur ah.

Weeerarkan ayaa noqonaya kii 3aad Al-Shabaab ku qaadan degmada Afgooye muddo 48 saac gudahood, iyadoo labo weerar oo is xigay labadii habeen ee la soo dhaafay ay ka dhaceen degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Daawo Sawirada: Jubbaland oo lagu wareejiyay lacag loogu tala galay in lagu caawiyo…

Cabdi Cade

Fanaanad caan aheyd oo soo islaantay abaalna u gashay Soomaalida oo geeriyootay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo dhagax dhigay Mashaariic laga fulinayo Qardho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---