Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xoogaga Ahlusunna oo galay Dhuusamareeb iyo rasaas goos goos ah oo la maqlayo

Xiisad colaadeed ayay saaka ku waabariisatey Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug ka dib markii qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada ay soo galeen xalay dagaalyahano ka tirsan kooxda Ahlusunna ee fariisinka ku lahaa degaanka Bohol.

Ciidamada Dowlada Federaalka iyo kuwa Galmudug oo ilaa shalay heegan ku jiray ilaalo xoogan ka haya xarumaha muhiimka ah iyagoo sidoo kale saaran daaraha Magaalada qaarkood.

Dagaalyahanada taabacsan Ahlusunna ee Dhuusamareeb soo galay ayaa lagu arkayaa Xaafadaha Waaberi iyo Waxarcade iyo meelo kale.

Rasaas goos goos ah oo ay is waydaarsanayaan labada dhinac oo aad isugu dhow ayaa laga maqlayaa magaalada Dhuusamareeb, iyadoo laga cabsi qabo in dagaal culus uu ka qarxo magaalada.

Qoysas badan ayaa ilaa shalay ka qaxayey magaalada Dhuusamareeb iyo degmada Guriceel ka dib markii laga war helay in xoogaga Ahlu suna ay ku soo siqayaan labada magaalo, mana jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac.

LA SOCO WIXII KA SOO KORDHA INSHA ALLAH

Related posts

Qoorqoor oo kulan xasaasi ah la qaatay Raisedon Zenenga

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo keenay sheeko iyo qiil cusub oo ku aadan Doorashada

Cabdi Cade

Al Shabaab oo ka hadashay Wararka sheegaya in Dr Fanax katirsanaa Saraakiishooda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---