Cabdikariin Muuse Qalbi-dhagax oo ka tirsan saraakiisha Jabhada ONLF ayaa afar sano ka dib ka soo degay garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.
Waxaa ku soo dhoweeyey garoonka, Wasiiro, ma’suuliyiin kala duwan iyo qeybo ka tirsan bulshada.
Booqashada Qalbi-dhagax uu ku yimid Muqdisho ayaa la sheegay iney ka da dambeysay martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaare Rooble.
Rooble iyo xubno ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ayaa la sheegay iney wadaan qorshe Cabdikariim Qalbi-dhagax Hoolka Doorashada uu kaga jeednaiyo khudbad ka dhan ah Madaxwayne Farmaajo.
Qalbi-dhagax ayaa afar sano ka hor laga duuliyey garoonka Aadan cadde isagoo maxbuus ah indhahana ka xiran ka dib markii dowlada Somalia ay amartay in loo gacan geliyo Itoobiya oo doon dooneysay, waxaana arintaas aad uga carooday shcaabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan.