Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dal ka tirsan caalamka oo laga helay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka COVID-19

Dowlada Kuuriyada woqooyi ayaa shaacisay in dalkeeda laga helay kiiskii ugu horeeyey ee cudurka COVID-19, xili cudurkan caalamka oo dhan la xakameeyey, meelaha qaarna uuba ka dhamaaday.

Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un ayaa ugu baaqay shacabka inay taxaddar muujiyaan, ka dib markii “kiiskii ugu horreeyay” ee cudurka COVID19 laga helay dalka tan iyo markii uu dillaacay cudurka faafa ee corona, Wakaaladda Wararka (KCNA) ayaa werisay.

Sida ay wararku sheegayaan, Kim waxa uu kulan degdeg ah la yeeshay saraakiisha xisbiga, kadib markii bukaan heerkulkiisu sarreeyo laga helay COVID19 gudaha Pyongyang.

Kuuriyada Woqooyi waxay xirtay xuduudaheeda tan iyo markii caalamka ka dillaacay cudurka Corona sanado ka hor.

Kim ayaa la sheegay inuu amar ku bixiyay in la dhaqan geliyo amarka bandow, si looga hortago faafitaanka viruska, iyadoo dowlada Kuuriyada woqooyi ay horey u diiday in dalkeeda la geeyo talaalka ka hortaga cudurkan.

 

Related posts

Mustaf Dhuxulow: “Farmaajo & Fahad Yaasiin waxay go’aansadeen inay sharciga ku tuntaan”

Caydiid Ali

Nin lagu eedeeyey inuu aflagaadeeyey Muuse Biixi oo xukun lagu riday

Caydiid Ali

Guddiga doorashada heer federaal oo hakiyey doorashada Saddex kursi (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---