Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

C/raxmaan C/shakuur oo karbaashay Xildhibaanada labada Aqal ee uu codka ka rabo

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna musharax doorashada Madaxweynaha Somalia Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa khudbadiisii maanta ee teenshada Afisiyooni ku karbaashay Xildhibanaada labada aqal ee baarlamanka Somalia

Waxaa uu duray sharciyada qaabka ay markii hore ku soo baxeen Xildhibaanada labada aqal ee 15-ka bishan codkooda ku go’aamin doona shaqsiga noqonaya Madaxweynaha Somalia hogaamin doona afarta sano ee soo socota.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir oo khudbadiisa musharaxnimo si qurux badan u jeediyey markii hore ayaa gebagebadii Xildhibaanada labada Aqal badankood ku tilmaamay inay ku yimaadeen qaab magacaabis oo kale ah.

“Dhamaanteen waa ogsoonahay Xildhibaanada badankood sida ay ku yimaadeen, waxaa lagu soo doortay duruufo magacaabis oo kale ah, markay codka dhiibanayaan waxaa loolamaya duruuftii ay ku soo baxeen iyo damiirkooda, waxaana rajeynayaa in damiirkoodu adkaado oo ay doortaan hogaamiyihii saxda ahaa” ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Dhaliisha Xildhibaanada ee uu sameeyay Musharax C/raxmaan C/shakuur ayaa aheyd mid aan maanta oo kale ku fiicneyn ololhiisa doorashada, maadama laga wada dheregsan yahay doorashadii boobka aheyd ee ay ku soo baxeen sida ay qabaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan isbarasho ah la qaatay Pier Marion Dacco (Sawirro)

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Wasiir hortagay kulankii xubnaha labada aqal oo su’aalo adag la weydiiyey

Caydiid Ali

Askari baxsad ahaa oo ku dhuumanayay Guriga Siyaasi caan ah oo la qabtay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---