Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Danab oo howlgal ku soo qabtay xubno ka tirsan Alshabaab iyo hub (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 5aad Guutada 16 ee Danab ee ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Degaanka Ceelcadde oo qiyaastii 30km u jira magaalada Kismaayo.

saraakiisha horkaceysay howgalka ayaa sheegay in la dilay xubno ka tirsan Al-shabaab, qaar kalena nolol lagu soo qabtay.

“Howlgalku intii uu socday waxaa lagu dilay 11 Dhagar-qabe halka nolosha lagu qabtay 2 ka mida maleeshiyad, waxa kaloo laga soo furtay 6 qoray oo ah Ak-47 iyo Hal qori BKM ah” ayuu yiri Carab Dheeg Axmed oo ah Taliyaha Ururka 5-aad Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dalka Somaliyeed ee Danab.

Taliyaha ayaa xusay inay sii wadayaan howlgallada lagu baacsanayo Al-Shabaab, ayna qorsheynayaan sidii looga cirib tiri lahaa Jubbooyinka, isagoo xusay in labada qof la soo qabtay ay yihiin carruur ay marin habaabiyeen Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shariif Xasan oo Shaaciyay Arin aan dalka horey uga dhici jirin iyo Madasha oo Dowlad kale dhiseysa !!

Cabdi Cade

Tartankii dowlad goboleedyada ee Shalay furmay oo dib loo dhigay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Maxkamada ciidamada qalabka sida oo dil ku xukuntay Baashi Mustaf Cumar

Caydiid Ali