Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Shiikh Aadan Madoobe oo si kulul uga hadlay qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa cambaareyay weerarkii maanta ka dhacay bar koontorol oo u dhow agagarka KM4 ee Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa faray ciidamada ammaanka in dedaalkooda dheeriga ah muujiyaan lagana hortago weerarada abaabulan.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Ebbe ugu baryay intii ku waxyeelowday qaraxa inuu caafimaad deg deg ah siiyo.

Warbaahinta taabacsan Al-Shabaab ayaa sheegtay in qaraxa oo la rumaysan yahay inuu fuliyay qof ismiidaamiyay, in bartilmaameedku ahaa kolonyo ku socotay teendhada Afisyoni oo ay hadda ka socoto khudbada murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya.

Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in 7 qof ay ku dhaawacmeen qaraxaas. Afhayeenka Booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa iiga warramaya qaraxa, wuxuuna marka hore faahfahinaya sida ay wax u dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Aqalka sare ee Baarlamanka Somalia oo u yeeray taliyaha ciidanka XDS iyo Labo wasiir

Caydiid Ali

Akhriso: Xog ku aadan Sababta Madaxweyne Xaaf isku bedelay Waji cusubna ula soo baxay !!

Cabdi Cade

Baldoosarkii Mareykanka u leyn jiray Taliban oo hadda Daacad u noqday Taliban (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---